Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»8 arrimood oo laga filayo Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir Yuusuf Boorsaani (FAALLO)

    8 arrimood oo laga filayo Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir Yuusuf Boorsaani (FAALLO)

    November 5, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sida Caa
    lamka ka dhacdo, shakhsiga loo dhiibayo xilka duqa magaalada iyo goddoomiyaha gobolka waxaa in uu horay uga soo shaqeeyaa Laan, waax, degmo kadib gobolka, Lakin Soomaaliya arrintaas kama dhacdo!

    Muqdisho waxaa la sheegaa in ay ka kooban tahay 17 degmo, 75 Waax, 326 Laan, 2.156 Daris iyo 109.405 guri, tirada intaa way ka badan karaan ama ka yaraan kartaa, Lakin waxaa hubaal in Sheekh Yusuf aanu aqoon hore u laheyn shaxdaas iyo sida ay u shaqeeyaan intaba!!

    Guddoomiyaha cusub Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale (Yuusuf Boorsaani) aqoontiisa waa Daraasaadka Islaamka iyo Carabiga ee Jaamacadda(American Open University in Cairo), waxaa kaloo uu leeyay khibrad yar oo xagga shaqada Xisbiga ah isagoo ka soo shaqeeyay xibsiga madaxweynaha ee Peace and Development Party(PDP) uu ka noqday xoghayaha arrimaha gudaha iyo xariirka caalamiga.

    Sheekh Yusuf Jimcaale waxaa muhiim ah in uu ogyahay waxa ay qabteen dhamaan guddoomiyaashii ka horeeyay tusaale ahaan Muungaab oo ahaa ninkii isaga jagadan uga horeeyay oo ka hadlayey goobta uu xilka ku wareejiyay ayaa sheegay in uu qabtay dhowr arin sida: nalalka cadceedda ku shaqeeya, cashuur qaadista guryaha, bilicda Muqdisho, mashruuca hanti isu celinta uu sheegay 160 guri uu ku celiyay gacanta dadkii iska lahaa, Waxaa kaloo uu sheegay in uu wax ka qabtay nadaafadda iyo amaanka isagoo kula taliyay in ciidamada booliiska iyo Nabad sugidda la hoos keeno gudoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada taasi oo keeni karta in amaanka wax laga qabto!!

    Hadaba Liiskan hoose waa Tillaabooyinka laga Sugayo Guddoomiya iyo Duqa Cusub ee Muqdisho Sheekh Yusuf Jimcaale:

    Dooro La Taliyaal Aqoon u Leh Shaqada Gobolka: Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale waxaa haboon in La taliyaal ka dhigto dad khibrad u leh shaqada gobolkan Banaadir, in uu la taliyaal ka dhigto dad aqoon fiican u leh sugidda amniga, soo xareynta dhaqaalaha, dad yaqaano xeerarka iyo sharciga iyo dhamaan waxbo oo loo baahan yahay in lagu maamulo gobolka banaadir.

    Diyaarinta Maqaamka Muqdisho: Waxaa la hadal hayaa in Muqdisho loo diyaarinayo maqaam, si taasi u dhacdo, Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale waa in uu diyaariyaa Waddadii arrinkaas lagu gaari lahaa, waa in Muqdisho la wada maamulaa, Tusaale ahaan waa in aan aragno dhamaan beelaha Soomaaliyeed oo si quman u maamulaya degmooyinka Muqdisho taasi oo soo dadajin karta in Somaliweyn dareemaan maqaamka Muqdisho, haddii dadka iska dhex arkaan waxaa imaneysa in magaalada Muqdisho loo arko Caasimad Soomaaliya oo dhan ka dhaxeysa!!

    Ka Madax Banaashiyaha Xisbiga: Waxaan ognahay in Sheekh Yusuf Jimcaale uu ahaa xoghayaha arrimaha gudaha iyo xariirka caalamiga xisbiga Peace and Development Party(PDP) isla markaana uu daacad u yahay madaxweyne Xasan Sheekh, in xisbiga uu ka baxo macquul ma aha, lakin waa mihiim ah in xafiisyada aanay isku midab noqon! waa in la raadiyaa qof kasta oo gobolkan hor-umarin kara ha ahaado PDP ama shacabka kale, waa in aanan albaabada laga xiran umadda aan ka mid aheyd xisbiga Madaxweynaha ee PDP!!

    Isku Shaandheynta Shaqaalaha Caasimadda: Waxaa jirto sheeko qosol badan oo lagu yaqaano cid walbo oo xafiis Soomaaliya ka qabata, dadka la shaqeynaya waa in beeshiisa ahaadaan ama ay isku dal Jaamacad ka soo wada baxeen taasi horay ayaan u soo aragnay, meelo badan oo gobolkan Banaadir uu jiro waan ku aragnay waxaan filayaa in arrinkaas la iska ilaaliyo haddii kale waxa qormaya waa taariikh!!

    Xallinta Muranka Dhulalka: Dhibaatada ugu badan ee gobolkan Banaadir ka jirto waa dhulalka, wixii ka dambeeyay 1991kii waxaa caasimadda ka jiray fowdo dhuleed, Muungaab waxaa uu sheegay in mashruuca hanti isu celinta uu wax ka bilaabay, 160 guri ayuu ku celiyay gacanta dadkii iska lahaa lakin dhibaatada intaa waa ay ka badan tahay, sidaa darteed arinkaas waa in si gaar ah wax looga qabto!

    Ka Hortagga Musiibooyinka: Dhibaatada Muqdisho ka jirta waxaa ugu badan amniga, hay’adaha amniga waxaa ay yimaadaan inta badan qaraxyada ama dilalka kadib, waa in caasimadda loo sameeyo sirdoon adag si wax looga qabto dhibaatooyinka soo noqnoqda, sidoo kale waa in ay jirtaa hay’ado ka hortaga dhibaatooyinka cimillada, Badda, Wasaqda iyo dhamaan Musiibooyinka dabiiciga iyo kuwa aan dabiiciga aheyn, sidoo kale baarlamaanka waa in uu dhameystiraa ansixinta Dhismaha Ha’yadda Maareynta Musiibooyinka!!

    Muqdisho Maalgashi ayey rabtaa: Magaaladan waxaa ay u baahan tahay maalgelin culus, sugidda amniga iyo wanaajinta howlaha gobolka waxaa ay horseedi kartaa in dadka ku soo dhiiradaan maalgashi, waxaa kaloo layaab leh in xildhibaanada laga sugayo Sharciga Maal gashiga shisheeye oo June 19, 2013, Kulanka 37aad, Akhrinta 2aad maray!!

    Soo Nooleyntii Adeegyada Buslahada: ugu dambeyn guddoomiye gobol iyo duq magaalo waxaa lagu qiimeeyaa shaqada uu ka qabto magaalada iyo soo nooleynta adeegyadeeda, isweydii wax aad ku soo kordhin karto adeegyada magaalada Muqdisho oo nin kasta oo magaalada madax ka noqdo uu sheego in uu ka bilaabayo meel Ebber ah!!

    W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

    Email: [email protected]

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDagaal Jubbooyinka ku dhex maray Laba garab oo Alshabaab ka wada tirsan
    Next Article Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wareegtadii ugu horeysay soo saaray & Cabirkii dhulka oo la joojiyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo