Kalluumeysato u shaqo taga Badweynta India ayaa lagu la’ yahay Badda kadib dableylo waaweyn oo laga cabsi qabo inay la tageen doomihii ay ku kaluumeysanayeen.
9 ka mida kaluumeysatada magaalada Muqdisho oo watay saddex Doomood ayaa la waayay labadii maalmood ee ugu danbeysay iyadoo raq iyo ruux aan heyn meel ay mareen marii ay u jilaabasho tageen Badweynta india oo ku teedsan xeebaha Muqdisho.
C/qaadir Xundubey oo Kallumeysatada ka tirsan ayaa sheegay xaaladda dabeysha oo kacsan iyo kaluunka oo fogaaday ay keentay in Kalluumeysatada ay gudaha u galaan Badda, basle ay cabsi qabaan inay Badda la tagtay.
Xaaladda kaluumeystada Muqdisho ayaa noqotay mid walaac badan xilli ay sii xoogeystay dabeysha dhaceysa xilliyadan oo kaluumeysigu aad u yar yahay.