Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, qeybta 21aad ee Galmudug la horkeenay 9 Askari oo ka tirsan Ciidamada Hay’adda NISA, kuwaas oo ku eedeeysan falal isbaaro, Dil iyo Dhac.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa kusoo eedeysay inay askartan inay is abaabuleen, kadibna weerar ku qaadeen Koontaroolka degmada Mattabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku dileen askari Boolis ah, laba qof oo kalena uu ku dhaawacmay.
Waxay sidoo kale dad shacab ah ka dhaceen lacag gaareysa $400, waxayna xeer ilaalinta dalbatay in dil toogasho ah lagu xukumo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 21aad Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa Askarta mid mid u weydiiyay dambiyada dilka iyo dhaca ah ee lagu soo eedeeyay inay degmada Matabaan ka geysteen Bishii December 2021.
Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa Booliska la wadaagay laba qof oo Shacab dhaawac ah iyo dhimashada hal askari oo ka tirsan Booliska, waxaayna Maxkamaddda ka codsadeen in eedeysanayaasha lagu xukumo ciqaab u dhigantay dambiga ay galeen.
Fadhi kale ayaa lagu wadaa in maxkamadda ay go’aan uga gaaro kiiska askartan, iyadoo ay Galmudug ka mid tahay meelaha ay ku badan yihiin isku dhacdyada ciidamada dhexdooda ah.
