10 ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Kenya ayaa wajahaya halis ah inay kuraastooda waayaan, kadib markii Guddiga anshaxa, la-dagaalanka iyo ka hortaga musuqmaasuqa Kenya uu ku soo oogay xildhibaannadan oo u badan Soomaalida Kenya inay heystaan Baasaboorada dalal kale oo ay laba-wejiileyaal yihiin.
Xildhibaannadan oo waaa ka mida guddoomiyaha Aqbaliyadda Baarlamaanak Kenya ee isbaheysiga xilka haya Aadan Barre Ducaale, waxaa kaloo ku jira xildibaan Yuusuf Xasan Cabdi, xildhibaan Safiya Sheekh Aadan, Xildhibaan Aadan Xaaji Cali, Xildhibaan Maxamed Gaarane, Xildhibaan Maxamed Daahiye iyo xildhibaano kale oo kala ah: Charles Ngusya Nguna, Jane Kihara, Ledama Ole Kina, iyo Susan Kihika. .
Hay’ada ayaa sheegtey inay baaritaan ku hayso xildhibaanada isla markaana ay waayi-doonaan xilalkooda haddii lagu soo caddeeyo inay dalal kale dhalasho ka haystaan, taasoo ka horjeeda Dastuurka Kenya.
Qaar ka mida Xildhibaanadan ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, waxayna caddeyeen inaysan heysan dhalashada dalal kale.
Guddiga anshaxa, la-dagaalanka iyo ka hortaga musuqmaasuqa Kenya ee (EACC) ayaa bayaan kasoo baxay ku shaaciyay in haddii lagu helo baaritanka socda ay xildhibaanadan lagu qaadi doono cutubka lixaad ee Dastuurka Kenya, si toos ahna ay xilalka u weyn doonaan.
Arrintan ayaa timid kadib markii safiirka cusub ee Kenya u magacawday South Korea Mwende Mwinzi laga dalbaday inuu iska celiyo dhalashada Mareykanka ee uu heysto.