Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Aabaha dhalay Ikraan Tahliil oo ka hadlay Kiiska gabadhiisa “Wax gorgortan ah ka geli doono Ikraan..”

    Aabaha dhalay Ikraan Tahliil oo ka hadlay Kiiska gabadhiisa “Wax gorgortan ah ka geli doono Ikraan..”

    September 11, 2021Updated:September 12, 20212 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Aabaha dhalay Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska gabadhiisa iyo tallaabada uu qaadayo si arrinteeda loo galo.

    Tahliil Faarax ayaa sheegay inuu xanuun badan hareeyay qoyska, isla markaana dad aan arxan lahayn ay kula kaceen waxa ku dhacay gabadhiisa, isla markaana aysan ku qancin warka kasoo baxay NISA ee ah in la dilay, ayna u saadiyeen Alshabaab.

    “Anigoo ah Ikraan Aabaheed wax gorgortan ah kama geli doono in cadaalad loo helo gabadhayda. Haddii NISA hayso Ikraan oo nool hala soo daayo haddii la dilayna waa in Meydkeedi ay nasiiyaan si aan u aasano” ayuu yiri Tahliil Faarax.

    Afduubka Ikran ayuu sheegay inuusan dhinacna u dhaafsiisneyn Hay’adda NISA, iyagoo la xiriiray dhammaan madaxda dowladda iyo hay’adaha baarista, ayna dacwad geeyeen maxkamadda Ciidamada.

    Kulankii ay la yeesheen Fahad Yaasiin ayuu sheegay inuusan wax natiijo ah ka dhalan, muddo dheerna ay wax sugayeen inuu kusoo war celiyo, laakiin masiib darro, sidii uu aamusnaa in la shaaciyo dilka Ikraan Tahliil.

    “Wax la aqbali karo, waan diidnay, umadda Soomaaliyeedna waan diidnay.. Markii Rooble xilka ka qaaday Fahad Yaasiin, waxaa markiiba ka hor yimid Farmaajo oo wax la yaab leh noqoto in ficilkii ugu horeeyay ee uu qaadayuu noqday inuu hor istaago cadaalad u radinta gabadheyda Ikraan” ayuu yiri Aabe Tahliil Faarax.

    Go’aanka Qoyska Tahliil ayuu ku sheegay inay soo dhoweynayaan dadallada ay wadaan madaxda Galmudug iyo K/Galbeed; laakiin Wuxuu caddeeyay inaysan wax gorgortan ah ka geli doonin cadaalad u helidda Kiiska Ikraan” ayuu yiri Tahliil, wuxuuna intaas ku daray inaysan diyaar u ahayn xeer jajab iyo Diyo wax kastoo ay noqoto, balse ay doonayaan qisaas iyo cadaalad.

    Wuxuu mahadcelin u diray Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dadaal ugu jira in cadaalad loo helo kiiska Ikraan, Ugaaska Beesha Gaaljecel iyo xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

    Kiiska Ikraan Tahliil NISA Tahliil Faarax Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Sababaha Qoorqoor ku qasbay inuu waanwaan ka dhex bilaabo Farmaajo iyo Rooble oo la ogaaday
    Next Article Mudane ka tirsanaa Golaha Degaanka Magaalada Laascaanood oo toogasho lagu dilay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo