Aabaha dhalay wiil Bajaajle ah oo dhowaan lagu dilay xaafadda Buundooyinka degmada Waaberri ayaa sheegay in wiilkiisa askarigii dilay lagu sheegay madaxtooyada Soomaaliya.
Aabbe Aweys Maxamed Diinle” ayaa sheegay inb wiilkiisa Ibraahim uu ka mid ahaa dadkii sida weyn u taageeray madaxweyne Farmaajo, si bareer ahna loogu dilay Muqdisho, iyadoo aysan madaxda dowladda xitaa tacsi u diran, isaguna uu habeenkii welwel ku seexdo.
“Waxaa la yiri askarigii dilay wiilkeyga madaxtooyada ayuu joogaa.. arintaas awgeed naxdin ayaan la hoyan waayey , Doorashadii madaxweyne Farmaajo wuxuu ka mid ahaa dadkii u banaanbaxayey.. Waxaan codsanayaa in caddaalad loo raadiyo wiilkeyga xaq darada lagu dilay” ayuu yiri Aabe Aweys Maxamed.
HOOS KA DAAWO