Shirkii Xisbiga Dimoqraadiga ee lagu so xulay Hillary Clinton inay noqoto musharaxa xisbiga ee u tartamaya xilka
Madaxweynaha Mareykanka waxyaabaha lagu soo bandhigay waxaa kamida khudbad uu jeediyay aabaha dhalay Askari muslim ah oo ku dhintay dalka Ciraaq isagoo ciidamada Mareykanka ka mida.
Khirz Khan iyo xaaskiisa waxay kasoo hor muuqdeen ergada xisbiga Dimoqraadiga iyadoo Clinton ay u sameysay hordhac cajiib ah oo ku saabsan geesinimada uu ku dhintay Captan Humayun, waxaana labada khudbadood ay dhaliyeen inay ka ilmeysiiyaan ergada.
Khirz Khan wuxuu weerar ku qaaday musharaxa Jamhuuriya Donald Trump oo uu sheegay inuusan xitaa akhrin dastuurka Mareykanka, isla markaana aanay jirin wax uu u sameeyay America.
KHUDBADA HOOS KA DAAWO
Wadani.com