Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay saraakiisha Itoobiyaanka ciidamada Qeybta 3-aad ee Nabad ilaalinta Midowga Afrika ATMIS ka jooga K/Galbeed.
Kulanka ayaa looga hadlay amniga ee magaalada iyo nawaaxigeeda iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka Dib u heshiisiinta lagu qabanaayo iyo wufuuda imaaneysa oo ay ka mid yihiin Amniga madaxda Qaranka.
Ciidamada maamulka K/Galbeed ayaa laga wareejiyey oo aan qeybn ka noqon doonin sugidda amniga goobta shirka, sid ay dalbadeen musharixiinta mucaaradka.
Waxaa la fiayaa inuu magaalada Baydhaba gaaro madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo furi doona shirka dib u heshiisiinta K/Galbeed oo dadaal loogu jiro in looga gaaro khilaafka ka taagan Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed iyo muddo kororsiga Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeyaan amniga.
