Aqoonyahan Feysal Rooble oo falanqeeye Arrimaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ka hadlay abaal marintii Concordia ee shalay Magaalada New York lagu guddoonsiiyey Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay tahay mid heerkeedu hooseeyo oo aysanba ahayn wax madaxweyne lagu sheego.
Qoraal uu arrintan ka qory Feysal Rooble ayuu ku naqdiyey, sida mdaxtooyada Soomaaliya u buunbuunisay Abaalmarintan Concordia, isagoo ku dooday inay liidnaan ku tahay madaxweyne Farmaajo aqbalka Abaalmarinta oo wax weyn dadka looga dhigay, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay:. .
Runta Waa In Si Daacadnimo Ah Loo Sheego.
Saaxiibkey ayaan ka arkay Xog-dhigaalkan. Waxaan filayaa in Danjiraha wanaagsan ay ahayd inuu ku sameeyo baaritaan waxa ay tahay Abaalmarinta Concordia. Aqoonsiga qofku waa mid wanaagsan. Laakiin tani waxay liiditaan ku tahay Madaxweynaha Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, Waxay daciifnimo ku tahay Wakiil waxbartay sida saaxiibkey inuu arrintaan nooga dhigo guul mudan aqoonsi qaran taasoo aan ahayn, Waxaa la adeegsanayaa been-abuur si guul looga dhigo meel aan waxba ka jirin.
Concordia waxaa sameeyey urur yar oo buunbuuniya mashaariicda caalamka oo aqoonsata dadka ka shaqeeya ururradaas. Qaar ka mid ah dadkii la siiyey Abaalmarinta Concordia waxaa ka mid ah: Gloria Malone, oo ah aasaasaha ururka “Teen Mom” ee magaalada New York iyo Mohamed Yonis oo isna leh ‘Micro Loan ee dalka Banhladesh.
Ujeedkeyga aan ku iftiiminayo dhacdadan waa rabitaan aan doonayo inaan ku dhiirrigeliyo kuweenna waxbartay si ay u yeeshaan tayo oo aysan u marin-habaabin dadkeenna. Postiga aan ka hadlayo wuxuu dirayaa farriin qaldan sida in adduunku uu aqoonsaday guulaha Madaxweyne Farmaajo sidaasna ma aha arrintu.
Indheer-garadka mas’uuliyad ayaa ka saaran inay runta xoojiyaan iyagoo aan daacadnimada ka tegin. Soomaalida wey taqaan “Guulwadeyn” si la mid ah sida Afrikaanta Mareykanku ay meel fog uga ogaadaan Cunsuriyadda.
Abaalmarinta Concordia waa mid hooseysa oo uusan Madaxweyne arrin weyn ka dhigan karin. Abaalmarinta Concordia waa (NGO) yar oo xiriir la leh Jaamacado tayadoodu liidato oo saldhiggoodu yahay Virginia.
Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha Soomaaliya inuu maalin heli doono Abaalmarin u dhiganta sharafta iyo guulaha xafiiskiisa. Maalintaas ayaan la dabbaaldegi doonnaa laakiin tani ma aha Abaalmarin.
W/Q: Faisal Rooble.