Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali (Caanood) ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab oo ka bilaabanaya Gobollada Koonfureed.
Wuxuu saxaafadda u sheegay in howgalka uu yahay mid ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab looga saarayo guud ahaan dalka iyo degaanada ay maamulaan.
Abaanduulaha oo dhowaan la magacaabay aya sheegay in la diyaariyay dhammaan Ciidanka Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Ciidanka Xoogga dalka, oo loona dhameystiray agabkoodii milateri.
Gen. Caanood ayaa caddeeyay in dagaalkan cusub ee lagu qaadayo kooxda Alshabaab ka duwan yhay kuwii hore, isla markaana qorshihiisa la dejiyay.