Ciimada Milateriga Somalia ayaa sheegay in howlgal lagu qaadayay isbaarooyin yaallay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose ay ka dhacen degmada Afgooye eeĀ agagaarkeeda.
Waxaa howlgalka hor kacayey Abaanduullaha Ciidamada Xoogga dalka Jen.Odowaa Yuusuf Raage iyo Saraakil kale, waxaana la sheegay in cagta la mariyey isbaarooyin lagu dhibaateyn jiray dadka Shacabka ah iyo Gadiidka, iyadoo gacanta lagu dhigay shan ka mid ah kooxihii ay Jid-gooyada iyo hubkoodii.
Ciidamada milateriga ayaa la geeya Afgooye, waxayna difaacyo cusub ka sameysteen degaanada hoos taga Afgooye.