Dalka Itoobiya ayaa lagu soo rogay xaalad degdega, kadib markii ay sii xoogeysteen dagaallada ka socda Gobollada Amxaarada iyo Cafarta dalkaasi oo ay ka dagaalameyso jabhadda Tigray ee TPLF.
Ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Amxaaradda ayaa ku fashilmay inay hakiyaan jabhadda Tigray, waxaana hadda cabsi ka jirta caasimadda Addis ababa, iyadoo Mareykanka uu dadkiisa ugu baaqay inaysan u safrin Itoobiya, kuwa ku suganna isu diyaariyaan inay ka baxaan dalkaasi.
Dadaalka Mareykanka ayaa hadda ku wajahan in TPLF iyo jabhadda kale ee Oromadda OLF aysan gelin caasimadda Itoobiya ama go’doomin, taasoo wakiilka Mareykanka ee Geeska Afrika ku tilmaamay inay tahay khad cas.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xaaladii ugu adkeyd ku sugan uu xilli kasta u yeeran karo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya oo isugu jira qaar ka tisan AMISOM, ciidamo kale oo ka baxsan.
Arrintan ayaa saameynta ugu weyn ku yeelan doonta maamul Goboleedyada K/Galbed oo Gobollda Bay iyo Bakool ay joogan ciidamda Itoobiya iyo maamulka Hirsahbeelle oo Gobolka Hiiraan ay qeyb ahaan ka joogaan.
Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale ku sugan Gobolka Gedo oo ay magalaooyin badan ka ilaaliyaan Alshabaab, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda Itoobiya saameyn culus ku yeelato Koonfurta Soomaaliya.

