Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee mar kale xilka loo doortay ayaa qaaday weerarradii ugu cuslaa oo uu doonayo inuu Jabhadda Tigray uga saaro degaanada ay ka qabsatay maamullada Amxaarada iyo Cafarta.
Dagaalka oo toddobaadkan bilowday ayaa sii xoogeysanaya, waxaana socda weerarrocirka iyo dhulka ah oo ay ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda la beegsanayaan ciidamada Jabhadda ee gobolka Tigray, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada Tigreega.
Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga (TPLF) Getachew Reda ayaa sheegay in milateriga Itoobiya iyo xulafadiisa ka soo jeeda gobolka Amxaarada ay dhowr jiho kula dagaallamayaan ciidamada Tigreega, gaar ahaan labada gobol ee Amxaarada iyo Canfarta oo deris la ah Tigray.
Milatariga iyo dowladda ayaan qiran weerarkan cusub, oo ay kooxda TPLF sheegtay inuu ku bilowday weerar xagga cirka ah toddobaadkii hore, maalmo kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyay in uu xilka sii hayo shanta sano ee soo socota.
“Waa dagaal socda, tirada dhaawacuna aad bay u badan tahay,” ayuu yiri Getachew oo intaas ku daray inuusan faahfaahin ka bixin karin tirada dhimashada iyo dhaawaca. Wuxuu sheegay inuu dagaalku ka dhacay meel u dhow magaalada Weldiya ee gobolka Amxaarada, halka dagaalkana uu dib uga bilowday gobolka Canfarta, deegaanada Haro iyo Chifra oo ku dhow xadka Amxaarada.
Dagaalkan ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii xumaato xasilloonida waddanka geeska Afrika oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof, isla markaana horseedidoona gaajo baahsan oo ka dhacda gobolka Tigray.
