Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyey in dalkiisa uu bilaabi doono Khamiista inuu ka soo saaro shidaal cayriin oo laga soo saarayo Gobolka Bariga, sida ay sheegtay warbaahinta Itoobiya.
Mr Abiy Ahmed wuxuu sheegay in baaritaanka, oo muddo dheer ka socday gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ay ka soo baxeen natiijooyin wanaagsan. Shirkad Shiinaha laga leeyahay, Poly-GCL, ayaa mashruuca qaadatay oo hirgelisay.
Shirkaddu waxay billaabaysaa inay soo saarto 450 fuusto oo shidaal cayriin ah maalin kasta, waxaana la filayaa in intaas laga sii badiyo intaasi mustaqbalka dhow.
Mr Abiy wuxuu sheegay in shaqada dhismaha dhuun shidaalka qaadda oo gaysa Jabuuti ay dhowaan billaaban doonto dhismaheeda.