Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xaalad cusub kasoo wajahday Gobolka Amxaarada, kadib xarig loo geystay jeneraal caan ka ahaa Axmaarada oo la xiray, markii uu eedeyn u jeediyay siyaasadda Abiy Ahmed.
Jeneraalkan Tefera Mamo oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Itoobiya ayaa dhaliilay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo qorshihiisa gobolka Tigray, waxaana shalay Jimcihii lasoo maxkamad. Waxaa kaloo la xiray Dadka u ololeeya siyaasadda qowmiyadda Amxaarada.
Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa ahaa taliyaha ciidanka Axmaarada ilaa bishii February 2022, waxaana xilka looga xayuubiyay sababao aan la sheegin. Ciidamada Axmaarada ayaa ka barbar dagaalamay milatariga dowladda Itoobiya ee ku duulay Gobolka Tigray, waxayna isbaheysi la leeyihiin Abiy Ahmed.
Jeneraal Tefera ayaa toddobaadkii hore waraysi uu bixiyey wuxuu eedeeyay istiraatijiyada Abiy Ahmed ee ka dhanka ah kooxda TPLF, isagoo sidoo kale ku eedeeyay xubnaha Axmaarada ee ka tirsan xisbiga talada haya ee raysal wasaaraha in lagu dhiirrageliyay lacag.
Menen Haile, oo ah xaaska Tefera, ayaa sheegtay in lagu hayay xabsiga muddo toban maalmood ah. “Boolisku waxay sheegeen inay tuhunsan yihiin inuu ka shaqaynayo inuu si xoog ah u burburiyo nidaamka dastuuriga ah oo jabhad abaabulayo” .
