Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa shaaciey in rabshadaha iyo qalalaasaha dalka ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay ay ahaayeen isku day lagu doonayo in lagu kiciyo dagaallo sokeeye, balse iminka la fashiliyey.
Abiy Ahmed oo ka hadlayey kulan uu magaalada Addis-Ababa kula qaatay saraakiisha saree rayidka iyo saraakiisha ciidamada ayaa u sheegay in Itoobiya loo maleegay qorshe looga abuurayo colaad sokeeya oo u saleysan Qowmiyado, laakiin ay ka hortageen, sida uu sheegay telefishanka dawladda ee ETV.
87 qof ayay dowladda Itoobiya sheegtay inay in ku dhibteen qalalaasha, waxaana ku jira afar sarkaal oo boolis ah. Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu sheegay in abaabulayaasha rabshadaha la qabtay, isaga oo taas uga mahad celiyay ciidamada ammaanka dalkiisa.
Rabshadaha ayaa ka billowday dalka ku yaalla Geeska Afrika Talaadadii, kadib dhimashadii heesaa iyo u dhaqaaqe bulsho Hachalu Hundessa.
Hundessa, oo 36 jir ahaa, ayaa waxaa magaalada Addis-Ababa ku toogtay dabley aan la garanaynin.
Fannaanka caanka ahaa ayaa Khamiista lagu aasay gurigiisa oo ku yaal magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (62 mayl) Galbeedka ka xigta Addis Ababa.
Hundessa wuxuu ahaa nin caan ka ahaa mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday dawladda ee socday saddex sano kahor inta aanu xukunka iman Abiy, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada.
Intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii horseeday inay dhacdo dowladdii hore 2018, wuxuu noqday codka dadka Oromada.

Dhanka kale, Golaha Warbaahinta ee Itoobiya ayaa maanta soo saaray digniin ka dhan ah warbaahinta mucaaradka, iyagoo ku eedeeyay inay kicinayaan rabshado qowmiyadeed. Agaasimaha guddiga Getachew Denku ayaa ugu baaqay xarumaha ay mucaaradka maamulaan ee Tigray Media House, Oromo Media Network, iyo Demtseweyane “inay joojiyaan kicinta rabshadaha qowmiyadeed oo aysan dalka khalkhal gelin.” Xarumahan ayaa loo diray warqad loogu digayo in la xiri doono