Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa noqday mas’uulka ugu sareeya dowladda Somalai ee ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xukuumadda Somalia ay sharci ka dhigtay nidaamkii dib loogu doortay.
Abshir Bukhaari oo si weyn uga horjeeda madaxda dowladda Federaalka galabta gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo ay wehliyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ay ka mid yihiin Xildhibaan C/qaadir Cosoble, xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo xubno kale, waxayna ku biirayaan siyaasiyiin iyo xildhibaanno ku kacsan madaxda dowladda Federaalka oo ka horjeeda.
Waxaa magaalada Kismaayo isugu tegay dhammaan xildhibaanadda iyo siyaasiyiinta ku kacsan madaxda dowladda Federaalka, iyadoo Axmed Madoobe uu sheegay in kaliya aanay caleemo saar ahayn ee uu ka dhici doono shir looga arrinsanayo xaaladda Somalia.