Xubno uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Xubnaha wehliya Abshir Bukhaari waxaa ka mida Xildhiban Cabdiraxmaan Odowaa, Xildhibaan Siciid Nur Girirsh iyo Xildhibaan Saabir Shuuriye, waxayana saddexdooda kasoo jeedaan Gobolka Galgaduud, iyagoo ka mida xubnaha ku kacsan xukuumadda Soomaaliya oo wada qorsha doorasho lagu qabanyo maamulka Galmudug .
Ujeedka safarkooda ayaa la xiriira isbedelka ku yimid maamulka Galmudug iyo inay qeyb ka noqdaan isbedelka la filayo u kuurgalaan xaalada ka socota Galmudug, waxaana garoonka Cadaado ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin iyo dadweynaha magaalada.
Dhinaca kale madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Cadaado, isagoo ilaa xalay ku sugnaa degaanka Godinlabe.



