Wasiirka cusub ee u magacaaban xika Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa Baarlamaanka Kenya maanta hortegay, isagoo shaaciyey hantida uu heysto lacagaha sanadkiii soo gala.
Wasiirada Kenya ayaa markii la magacaabo waxaa la diiwaan geliyaa lacagah ay heystaan, waxaana su’aalihii la weydiiyay Aaden Barre ee ku saabsan hantidiisa uu uga jawaabay inuu heysto lacag dhan 851 Milyan oo Shilinka Kenya ah oo ka badan 7 Milyan oo Dollar.
Hantidiisa ayuu sheegay inay ka mid yihiin qiimaha 231 neef oo geel ah oo uu leeyahay, sidoo kale wuxuu leeyahay Lo’ iyo Ari, isla markana sanadkiiba ay soo gasho lacag dhan 10 Milyan oo shilinka Kenya ah oo meelaha ay kasoo gasho ay ka mid ahay kireynta Guryo uu leeyahay.
Adan barre Ducaale oo uu dhowaan Wasiirka Difaaca u magacaabay Madaxweynaha Kenya ayaa hortegay Guddiga Baarlamaanka Kenya u saaray arrintan, waxaana la weydiiyay su’aalo adag oo ku saabsan halka uu hantida uu leeyahay ka keenay.
“Guddoomiye, hantideyda waxay qiimaheedu tahay 851 milyan oo Shilin oo ay ku jiraan Ariga, Idaha iyo geela aan leeyahay. Xitaa waxaan ku khasbanaaday in aan aado oo aan qiimeeyo 231 neef oo Geel ah oo ii jooga Gobolka Kitui,” ayuu yidhi Adan Barre.
Wasiirka ayaa saaxiib dhow la ah madaxweyne William Ruto, waxayna saaxiibtinimadoodu soo taxnayd ilaa sanadkii 2007 oo markii ugu horreysay ee uu siyaasadda ku soo biiray, waxaana labadoodaba lagu doortay xisbiga ODM ah.
Waxay markii dambe oisla aadeen Xisbiga United Republican Party (URP),. kadibna waxay 2011 ku biireen Isbaheysigii Jubilee, iyadoo kadibna ay noqdeen United Democratic Alliance (UDA).
