Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Afar arrimood oo horyaalla Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi

    Afar arrimood oo horyaalla Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi

    November 21, 20173 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga doorashooyinka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbnaannida ee Somaliland ayaa shaaciyay in Muuse Bixii oo ku guuleystay doorashadii madaxtinnimada Somaliland ee dhacday 13-kii bishan.

    Cadbiqadir Imaan Warsame Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in musharraxa xisbiga Kulmiye uu helay 55% codadkii la dhiibtay.

    Biixi ayaa waxaa horyaalla arrimo badan oo ay tahay in uu wax ka qabto, si uu u kasbado kalsoonida shacabkii soo doortay iyo xitaa kuwa aan u codeyn ee deegaannada Somaliland. Arrimaha muhiimka ah waxaa ka mid ah qodobbada hoos ku xusan.

    Arrimaha Gudaha

    Muuse Biixi waa nin muddo ku dhex jiray siyaasadda Somaliland. Waxa ugu horreeya ee hor yaalla waa sidii uu u midayn lahaa kala qoqobnaanta siyaasadeed iyo tan xagga qabaa’ilka ee ka dhex jirta Somaliland. Bil matal, magaalada Hargaysa waa magaalo qabiil ahaan iyo siyaasad ahaan u kala qaybsan koofur iyo waqooyi.

    Sidaas si le’eg, magaalada labaad ee Somaliland, Burco, waxay u kala qaybsan tahay Bari iyo Galbeed. Madaxdii isaga ka horraysay wax weyn kama qabanin kala qoqobnaantaas. Isla ayadaas ayey nabadda ku dul dhiseen, taasoo si fiican u shaqaysay, su’aashuse waxay tahay ilaa intee ayey nabadda, hannaanka qabaa’ilka iyo siyaasaddu isla socon karaan?

    Ictiraaf raadin

    Waxa ugu weyn halkan waa Somaliland ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeeda kale sanaddii 1991. Farsamo ahaan, weli dunida waxay u aqoonsan tahay hal dal. Qariidada dunida weli laguma darin Somaliland, dalalka jaarka la ahna maba aysan aqoonsan, inkastoo ay ku qaddariyaan nidaamka iyo kala dambaynta iyo hannaanka dawliga ah ee ka jira.

    Ugu yaraan, waxa ugu weyn ee horyaalla Muuse Biixi iyo xukuumadiisa waa inay xal u helaan deegaannada lagu muransan yahay ee u dhaxeeya iyaga iyo Puntland, iyo in meel fiican la gaarsiiyo wadahadallada kala dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

    Waxaa laga war dhowrayaa waxyaabaha uu sameyn doono sidii u dardan gelin lahaa ictiraaf raadinta oo ah qadiyad ay ku mideysan yihiin dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Somaliland.

    2020 iyo Furitaanka Xisbiyada

    Gabdho saf ugu jira in ay codeeyaan
    Gabdho saf ugu jira in ay codeeyaan

    Tobankii sanaba mar baa la furaa xisbiyada Somaliland in hoggaankooda loo tartamo. Labo sano ka dib waxaa la filayaa in hoggaanka xisbiyada uu isbeddel ku yimaado oo wejiyo cusub ay hoggaanka qabtaan. Sidii uu ugu diyaargaroobi lahaa mowjadaas ku soo socota ee la saadaalinayo inay galaafan doonto ugu yaraan mid ka mid ah raggii ay wada tartameen waa arrin qorshihiisa wakhtiga fog wax ka tari karta.

    Waxqabad

    Waa waxa ay dadku hoggaanka ku doortaan, hoggaanna uu bulshadiisa ugu adeego. Waxaa looga fadhiyaa in uu ka dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyey xilligii uu ku jiray ololaha doorashada.Waxaa ka mid ah waxaa ka mid ah wax ka qabashada shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Somaliland taasoo ku qaaday in dhalinyro badan oo reer Somaliland ah ay tahriibaan.

     

    Doorashada Somaliland Muuse Biixi Somaliland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMuuse Biixi oo noqday Madaxweynaha Shanaad ee Somaliland [Akhriso Taariikh Nololeedkiisa]
    Next Article Ciidamada Kumaandooska Somalia oo gacanta ku dhigay Saraakiil & Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo