Wararka laga helayo magaalada Addis ababa ayaa sheegaya in ciyaaryahanada xulka qaranka Soomaaliya ee halkaasi ku sugnaa amar lagu siiyey Macalinka Hogaaminaya inuu diyaarad soo saaro 4 ciyaaryahan dibna loogu soo celiyo Muqdisho oo markii horeba laga diray.
Ciyaaryahanadan ayaa loo sheegay inay ka mid ahayn ciyaaryahanada ka qeyb galaya lugta labaad ee ka dhici doonta dalka Niger lagana reebay safarka dalka Niger ayaa la sheegay inay aad uga niyad jabeen, waxayna kala yihiin:
- Goolhaye Xasan Ibraahiim (Kooxda Dekedda).
- Difaaac Siid Cali Baanoow (Dekedda).
- Siid Maxamed Cumar Siidii (Heegan)
- iyo Sadaam Yare Daafac (Kooxda Gaadiidka).
Lama sheegin sababta dib loogu celinayo Ciyaaryahanadan, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya C/qani Saciid uu amarkaas bixiyay isaga oo doonaya inuu yareeyo kharashka ku baxaya Safarka Ciyaartoyda xulka Soomaaliya oo 13 ka bishaan Niger ku ciyaari doona, afrtan ciyaaryahanna ay ahaayeen keyd iyadoo aan wax guul ah laga fileynin inay ka keenaan dalkaasi.
Waxaa lagu wadaa ciyaaryahanada inay berito kasoo duulayaan Garoonka Addis Ababa ayaa kadibna dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.
Wadani.com