Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Afar Kiis oo Farmaajo laga rabo inuu Xisaab-xiro inta aanu ka tegin Villa Somaliya (Xasaasi)

    Afar Kiis oo Farmaajo laga rabo inuu Xisaab-xiro inta aanu ka tegin Villa Somaliya (Xasaasi)

    May 22, 2022Updated:May 22, 20224 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Isniinta 23-ka bishan May 2022 ka degaya xilka, kana tegaya Villa Somaliya oo uu ku noolaa 5 sano iyo 3 Bilood.

    Intii uu Farmaajo xilka hayey wuxuu dalka ku hoggaamiyey qaab cusub, iyadoo dowladiisa ay abuurtay kala qeybsanaan, dagaal ay la gashay maamul Goboleedyada, xaaladii Amniga oo ka sii dartay, Alshabaab oo xoogeysatay iyo kiisas waaweyn oo lagu tuhmay hay’adaha dowladda.

    Dhaawacyada dowladnimada gaaray xilligii Farmaajo waxaa ugu xanuun badnaa in Hay’addii Sirdoonka Qaranka lagu tuhmo inay la shaqeyso Alshabaab, iyadoo uu baxay halheyska caanka: “SHAKI MA LEH INAY LABA SHABAAB WADA SHAQEEYAAN”. Waxayna NISA oo noqotay hay’ad uu madaxweyne Farmaajo shaqsi ahaan u leeyahay, una maamulo saaxiibkiisa ku lug yeelatay kiis kasta oo halis ku ahaa dowladnimada.

    Farmaajo inta uusan Villa Somaliya ka tegin Berri, waxaa waajib ku ah inuu xisaabo xir iyo caddeyn ku sameeyo, feylashoodana ku wareejiyo madaxweynaha cusub afar kiis oo muhiim ah, kuwaas oo ka mida arrimaha ugu waaweyn ee ay dalka ka gashay dowladiisa , balse aanay shacabka usoo bandhigin; waxayna kala yihiin:

    1- ASKARTA KU MAQAN ERITREA

    Dhalinyarrada askarta ah ku maqan dalka Eritrea iyo kiiskooda waa mid ka mida kiisaska Farmaajo looga fadhiyo inuu xogtooda ku wareejiyo Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana lasoo gabagabeeyo kiiska kumanaanka dhalinyaro ee eheladooda ku la’ yihiin nolol iyo Geeri.

    Farmaajo marna iskuma dayin inuu dadka soo hor istaago oo arrintan u sharxo, kumana guuleysan inuu waalidiinta jidka u taagnaa wiilashooda maqan la hadlo, balse wuxuu muddo 3 sano ah ka gaabsaday inuu kiiskan xasaasiga ah.

    2- HESHIISKA SHIDAALKA

    Xilligii kala guurka waxaa dalka Turkiga lagu saxiixay heshiis Shidaal oo hais ah, kaasoo wasiirkii Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed uu sheegay inuu la ogaa, howshaasna u diray Madaxweyne Farmaajo.

    Inkastoo Farmaajo dafiray, iskana fogeeyay kiiska Heshiiska Soomaaliya ka gashay Shirkadda Mareykanka ee shirkadda Coastline Exporations, waxaa hadda Farmaajo laga rabaa in Feylka Heshiiska uu ku wareejiyo Madaxweynaha cusub, si kiiska yaalla Xeer ilaalinta iyo dacwadda socota meel cad looga soo haro, loona ogaado cidda Soomaaliya gelisay halistaas la xiriirta kheyraadkeeda.

    3- KIISASKA KHAARIJINTA EE LOO HEYSTO HAY’ADDA NISA

    Qarixii lagu dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir. C/raxmaan Yariisow, Kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee Madaxda Hay’adii NISA lagu tuhunsan yahay iyo Qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, waxay ka mid yihiin xadgudubyada waaweyn ee lagu eedeeyo inay dowladii Farmaajo ku lug lahayd.

    Kiisaskan waxay soo hoos gelayaan dib u habeynta Hayadda NISA oo laga leexiyey shaqadii loo dhisay xiligii Farmaajo, waxaase muhiim ah in feylasha kiisaskan waaweyn uu wareejiyo Farmaajo, si dowladda cusub ay u daba gasho baaritaan rasmi ahna loogu sameeyo, shacabkuba u ogaadaan xaqiiqada wixii dhacay.

    Lama dhayalsan karo in Ra’isal wasaarihii dalka ee xilka hayey Maxamed Xuseen Rooble uu isku xiro laba kiis ee Ikraan Tahliil iyo Xildhibaan Aamina Cabdi, si toos ahna ugu tuhmo kooxdii Farmaajo ee hoggaanka Hay’adda NISA.

    4- KOOXDA ABAABULAN EE CBB

    Arrimaha laga dhaxlay xukunkii Farmaajo waxaa ka mida kooxo abaabulan oo qurbejoog u badań, kuwaas oo daacad u ah Farmaajo, laguna abuuray fikrado wadaniyad dhalanteede ah, kala qeybin bulsho, aflagaado iyo weerarka cid kasta oo ka horjeeda.

    Kooxahan oo si toos ah looga maamulayey Villa Somaliya waxaa la rumeysan yahay in loo qoray mushaar si ay shaqsiyadda Farmaajo u buunbuuniyaan, ugana caawiyaan inay khaldaan bulshada; waxayna doorashadii 15 May 2022, kadib lasoo baxeen halis ah inay isu bedelaan dembiilayaal ku baaqaya in la dilo madaxweynaha cusub, la qarxiyo ama la gubo caasimadda iyo iwm.

    Farmaajo waa inuu kooxdan jiheeyaa oo mas’uuliyadiisa qaataa ama ugu yaraan falalkooda gurracan iska fogeeyaa, inta aanu xilka wareejin, waana in Madaxtooyada Soomaaliya ay feylkooda ku wareejiyo madaxda cusub ee Villa Somalią.

    GABAGABO

    Waxaa jira kiisas badan oo dowladii Farmaajo u furan iyo tacadiyo ay magaca dowladda ku geysatay, laakiin qaarkood la xaliyey, halka qaar kale iskood isu xaliyeen iyo kuwa sugaya in la xaliyo; waxaan ka mida dhiibistii Qalbi-dhagax, Siyaasadda arrimaha dibadda iyo Qorshihii dalka Qatar ee Somaliya, Dadkii lagu laayey Baydhaba, Kiiska Xariga Sheekh Mukhtaar Roobow, Lacagtii laga qabtay Imaaraadka, Qaadka loo xiray Itoobiya iyo arrrimo kale, waxaana inta badan ku filan in lagu saxo isbedelka hoggaan ee dalka ka dhacay.

    U GAARA GOOBJOOGE.NET

    Doorashada Farmaajo Top Xasan Sheekh Xisaabxir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTaliska Mareykanka ee Afrika oo baahiyey kulan uu Taliyahooda la yeeshay Xasan Sheekh
    Next Article Fahad Yaasiin iyo Gacan-yarihiisii oo ka hor xil wareejinta Farmaajo isaga tegay Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo