Afar kiis oo cusub ayaa la sheegay in magaalada Muqdisho laga helay, kadib baaritaan lagu sameeyay, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka.
Afarta qof ee cusub oo laga helay Coronavirus ayaa waxaa shaacisay wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo sidoo kale sheegtay in qofkii ugu horeeyay uu Muqdisho ugu geeryooday cudurka.
“Ilaahay ha u naxariistee waxaan xaqiijineynaa geerida qofkii u dhintay cudurka COVID 19. Waxaa kaloo isla galabta la xaqiijiyay 4 xaaladood ee cudurka. Waa faafida bulshada dhexdeeda. Fadlan raaca talooyinka caafimaad si cudurka loo xakameeyo…” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur oo farriin gaaban soo dirtay.
Arrintan ayaa ka dhigan in cudurka Coronavirus uu hadda bilaabay inuu ku faafo dadka shacabka ah ee ku nool gudaha magaalada Muqdisho, taasoo ah marxalad halis ah.