Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Afar Su’aal oo ka dhashay Safarka Ra’iisal Wasaare Kheyre ee Kismaayo. [Akhriso Warbixinta]

    Afar Su’aal oo ka dhashay Safarka Ra’iisal Wasaare Kheyre ee Kismaayo. [Akhriso Warbixinta]

    March 14, 2019Updated:March 14, 20193 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Su’aalo badan ayaa ka dhashay socdaalka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ku joogo magaalada Kismaayo , kasoo yimid xilli labada dhinac uu khilaaf muddo soo jiray ka dhaxeeyay.

    Booqashada Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa u gogol xaaray heshiis hoose oo labada dhinac ku dhex maray dalka Kenya, kadib markii khilaafka madaxda dowladda Somalia iyo Axmed Madoobe ay ku soo baxeen dhinacyo ay dowladda Kenya ka mid tahay.

    Image may contain: 8 people, people smiling, people standing, suit and beard

    Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa dhaliilay socdaalka Ra’iisal wasaaraha, waxaana soo shaac baxday loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya beelaha dega Gobollada Jubbooyinka xilli ay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha maamulkaasi 5 bilood ay naga xigto.

    Su’aalaha ugu waaweyn ee socdaalka Ra’iisal Wasaare Kheyre dhaliyey waxaa ka mida:

    Qababqaabada Booqashada

    Sida loo qabanqaabiyey doorashada waxay ahayd mid aan hore loo arag, waxaana xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre uu magaalada Kismaayo u diray wafdi hordhac ah, ciidamo ilaalo ah iyo saxafiyiin Muqdisho laga qaaday, iyadoo muuqaallada tegista Kheyre ee Kismaayo lagu tebiyey Drone.

    Qaabka soo dhoweynta iyo sida maamulka Axmed Madoobe u diyaariyey waxay iyaduna ahayd mid ka weyn soo dhoweyn mas’uul booqanaya Kismaayo oo su’aal la iska weydiiyey, maxaa yeelay waxaa hor Kismaayo u tegay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre laftiisa, iyadoo aan loo sameyn wixii halkaas ka dhacay oo kale.

    Safarka Ra'iisal Wasaare Kheyre ee  Kismaayo

    Muuqaalladda Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Axmed Madoobe oo lagu xardhay wadooyinka magaalada Kismaayo waxay arrinta u ekeysiisay mid shaki geliyay mucaaradka ka hor muxaafidka labada dhinac oo si weyn ugu mashquulay booqashadan.

    Heshiiska Qarsoodiga ah

    Waxaa in muddo ah la hadal hayey heshiis qarsoodi ah oo dhex maray Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda Somalia, kaasoo uu kasoo shaqeeyay ku-simaha agaasime Hay’adda NISA ee Fahad Yaasiin wadahadallo ka dhacay dalka Kenya, waxaana taasi u markhaati kacaya in soo dhoweynta iyo marxabeynta loo sameeyay Kheyre aysan arrrimuhu ka bilaaban 11-ka Maarso.

    Heshiiska oo saameyn weyn ku yeelan doona dowladda Federaalka iyo xiriirka ay la leedahay Maamul Goboleedyada ay dagaalka kula jirtay, wuxuu haddana soo shaac bixiyey mucaaradnimo xoog leh oo ay ka hor keeneen taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo hab beeleed u diidan iyo siyaasiyiin kale oo ku kacsanaa Axmed Madoobe.

    Heshiis dhex mara Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda Somalia, wuxuu wax ka bedeli doonaa qorshihii dagaalka ku dhisnaa ee dowladda Farmaajo iyo Kheyre kula dhaqmayeen maamul Goboleedyada, laakiin wuxuu dhinaca kale ku furi doonaa mucaarado cusub, balse ka dhib yar tii Axmed Madoobe.

    Mustabqalka Axmed madoobe

    Axmed Madoobe oo taageero ka heysta dowladda Kenya iyo odayaasha beesha uu kasoo jeedo ee ku dhaqan dalka Kenya, wuxuu gacan adag oo bir ah ku hayaa maamulka aan Kismaayo dhaafin ee Jubbaland, wuxuuna mar kale doonayaa in loo doorto madaxweynaha maamulkaasi oo xilkiisu dhammaanyo Ogost 2019.

    Safarka Ra'iisal Wasaare Kheyre ee  Kismaayo

    Madaxda Dowladda Somalia ayaa xaqiiqsatay inuusan Axmed Madoobe la mid ahayn Shariif Xasan iyo Axmed Ducaale Xaaf, isla markaana uu awood u leeyahay inuu qabsado doorasho uu mar kale ku soo baxo, Waxaana shakigu yahay inay madaxda dowladda Federaalka sidaasi ku aqbaleen inuu Axmed Madoobe madaxweyne sii ahaado, mar kalena dib loogu doorto, iyadoo su’aasha taagan ay tahay waxa ay kaga bedelatay oo aan ka ahayn nabad iyo murtidii ahayd ‘Gacantii aadan goyn karin waa la dhunkadaa”.

    Ololaha doorashada 2020

    Safarka Kheyre ee Kismaayo wuxuu sii xoojiyey su’aalihii iyo shakigii muddooyinkii danbe soo dhex galay taageerayaasha N&N oo ahaa in Ra’iisal wasaaraha uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha, taasoo noqotay dood muddo ka shidneyd baraha bulshada.

    Safarka Ra'iisal Wasaare Kheyre ee  Kismaayo

    Warkii ka soo fakaday Axmed Madoobe xilligii soo dhoweynta, isagoo Kheyre ugu yeeray ‘Madaxweyne’ wuxuu noqday mid shakigii jiray uga sii daray, waxaana soo dhoweynta iyo sida loo tebiyey ay dad badan ku fasireen in la galay ololaha doorashada 2021 oo laba sano ka harsan tahay.

    Axmed Madoobe Kheyre Kismaayo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSarkaal ka tirsanaa Hay’adda CID-da oo ka badbaaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa [Sawirro]
    Next Article Gabadh 14 jir ah oo Maxkamad ka Dacweysay Nin Aabaheed qasab ugu guuriyey… [Dhageyso Qiso cajiib ah]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo