Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 11
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Afarta Gobol ee Go’aamin Doona Madaxweynaha cusub ee Mareykanka (Akhriso Wararkii ugu danbeeyay..)

    Afarta Gobol ee Go’aamin Doona Madaxweynaha cusub ee Mareykanka (Akhriso Wararkii ugu danbeeyay..)

    November 5, 2020Updated:November 6, 20203 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Saddex maalin kadib Doorashada Mareykanka iyo maalintii afraad ayaan wel lagu kala bixin Doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee ay ku loolameen madaxweynaha xilka sii haya Donald Trump iyo musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Jeo Biden.

    Doorashada ayaa u muuqata mid si adag loogu loolamayo Gobollada ugu muhiimsan ee hadaba dhinac u codeeya, kuwaasoo go’aamiya guusha musharaxa noqonaya Madaxweynaha oo u baahan 270 codadka loo yaqaan ‘Electrol College’ oo Gobollada dalka Mareykanka oo gaaraya 538 Ergo Cod.

    Biden ayaa hadda heysta 264 (marka lagu daro gobolka Arizona oo weli la isku hayo) ama 253 marka laga reebo Gobolkaasi, wuxuuna u baahan yahay inuu ku guuleysto marka Arizona lagu daro Goboka Nevada.

    Maalintii saddexaad ayaa dadweynaha Mareykanka sugayaan natiijada oo laga cabsi qabo inay dib u dhacdo, taasoo qaadan karta maalmo ayna ugu wacan tahay taranka oo aad isugu dhow Gobollada muhiimka ah ee la isku hayo iyo dad ka badan kuwii hore oo codeeyay.

    Waxaan weli lagu kala bixin oo codad isu dhow gobollada kala ah:

    Arizona: Waxay leeday 11 ergo cod, waxaana ku horeeya Joe Biden oo warbaahinta qaarkeed sida AP, Fox News, Aljazeera iyo kuwa kale ay xisaabta ugu dareen Musharaxa Joe Biden, laakiin waqti ayey qaadan doontaa waqti si loo ogaado natiijada ugu danbeysa, iyadoo taageerayaasha Trump ay isku dayeen inay galaan goob cod bixinta lagu tirinayey.

    Georgia: Waxay leedahay 16 ergo cod, waxanaa horeeya Trump, laakiin waxaa soo yaraanaya codadka uu ku horeeyo. Kooxda Trump ayaa olole ugu jirta in la joojiyo tirinta codadka dib u soo dhacay, taasoo ay ku guuldarreysatay.

    Pennsylvania: Waa Gobolka uu tartanka ugu adag ka socdo, waxaan shalay ku horeeyay codad ka badan 600,0000 Madaxweyne Trump, laakiin iyadoo ay socoo tirinta codadka lagu dhiibtay Boostada waxaa soo yaraanaya hoggaaminta Trump oo hoos ugu dhacday in ka yar 50,000 cod. Gobolkan waxay tirintu soconeysaa ilaa Jimcaha. Guddiga ololaha Trump ayaa dacwad ka furay Gobolkan taasoo socon weyday.

    Nevada: Waxay leedahay 6 ergo oo cod, waxaana ku horeeya Joe Biden, laakiin waxaa isu dhow codadka iyadoo la sugayo codadka harsan.

    North Carolina: waxay leedahay 15 ergo cod, iyadoo uu horeeyo Donald Trump.

    Gobollada Wisconsin iyo Michigan ayuu ku guuleystay habeen hore xilli danbe musharaxa Dimoqraadiga Jeo Biden, taasoo si weyn ugu dhoweysay guusha, laakiin waxaa weli u harsan inuu helo codadka Gobollada uu ku horeeyo ee Arizona, Nevada si uu guusha u gaaro inta aan la isla gaarin Gobolka la isku dhegan yahay ee Pennsylvania.

    Biden ayaa guusha waxaa ka xiga inuu ku guuleysto Pennyselvania ama uu helo codadka Arizona iyo Nevada, halka Trump u baahan yahay saddex ka mida Gobollada waaweyn ee la isku hayo.

    Lixda Gobol ee soo socda ayaan weli lagu kala guuleysan, inkastoo Gobolka Arizona warbaahinta qaarkeed ay siyeen Jeo Biden, taasoo codadka uu heysto ka dhigeysa 264, halka warbaahinta ka reebtay sida CNN, ABC iyo kuwa kale ay codadka Biden ka dhigeen 253.

    Donald Trump Joe Biden US election day US Elections
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha K/Galbeed oo magacaabay Guddiga Doorashada Maamulkiisa (Akhriso Magacyada)
    Next Article Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo diiday inuu joojiyo Dagaalka Tigray iyo Dagaal Sokeeye oo laga cabsi qabo…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo