Wararka laga helayo dalka Gabon ee ku yaalla galbeedka Afrika ayaa sheegaya in ciidamada milateriga ay afgambiyeen madaxweynihii dalkaasi Cali Bongo.
Caasimadda Libreville ayaa lagu arka baabuutta Gaashaaman ee militariga iyo ciidamo fara badan, waxaana dalkaasi lagu rogay xaalad degdeg ah. Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay saraakiil militari oo dhalinyaro oo laga baahiyay raadiyaha dowladda, iyagoo sheegay awoodii dalkaasi la wareegeen.
Qoyska Madaxweyne Cali Bongo ayaa dalkaasi soo maamulayey intii uu xoriyadda qaatay muddo 50 sano ah, wuxuuna xilligan muddo labo bilood ka maqnaa dalkiisa, isagoo ku xansuunsanaa dalka Sacuudiga oo uu socdaal ku tegay.

Madaxweynaha la sheegay in la afgambiyey ee Cali Bongo ayaa xilka kala wareegay aabihiis sanadkii 2009-ka, wuxuuna ku guuleystay doorashadii 2016-kii oo harreeyay qalalaase iyo eedeymo wax isdaba marin ah.
Waxaa magaalada Libreville laga maqlayaa rasaas ka dhaceysa, waxaan weli qasan xaaladda dalkaasi. Gabon ayaa ah dal soo saara saliidda oo qani ah, waxaana reer Bongo lagu eedeeyay inay daldasheen hantida dalkaasi.
https://twitter.com/i/status/1082191995903320064
Afgembigii dalka Gabon oo dhicisoobay iyo ciidamadii ka danbeeyay oo la xiray…

