Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya inuu afgembi milateri uu fashilmay dalkaasi, kasoo ay isku dayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dalkaasi.
Warbaahinta Dowladda ayaa shaacisay in la xiray ilaa 40 sarkaal oo hormuud ka ahaa isku dayga inqilaakaasi, waxaana TV-ga iyo Idaacadda dowladda la saaray heeso waddani ah, iyadoo ciidamo badan ay wadooyinka lasoo dhigay. Waxaa weli socda sidii ciidamada ka qeyb qaatay loola tacaali lahaa.
Ciidamada Afgembiga waday ayaa beegsaday Taliska ciidamada dalkaasi, Idaacadda Telefishanka dalkaasi iyo Buundooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaana la sheegay ina laga hortegay.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo si rasmi ah loo shaaciyey in Afgembigaasi uu fashilmay. Lama sheegin saraakiisha ka danbeysay iyo waxa ay yihiin, laakiin waxaa lagu tuhunsan yahay inay ka danbeeyeen ciidamo ka gadoodsan xaaladda ciidamada iyo mushaar la’aanta heysata.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la xirxiray ciidamo iyo saraakiil ka mid ahaa kuwii ku dhaqaaqay afgemniga la fashiliyey.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

