Afhayeenka kooxda AlShabaab ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan Magaalada Baledxaawo ee Gobolka Gedo iyo Derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xuduudka.
Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo warbaahinta Alshabaab la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay Magaalada Baledxaawo ka wado daandaansi dhul balaarsi ah, wuxuuna caddeeyay in Alshabaab ay ka qeyb galeyso difaaca dadka iyo dhulka Beledxaawo.
Wuxuu bogaadin u jeediyay shacabka magaalada Beledxaawo iyo sidii ay uga hortageen Derbiga Kenya ee xadgudubka ah, isagoo sheegay inay garab taagan yihiin Bulshada Degmadareer Beledxaawo.
Wuxuu ku eedeeyay Maamulka Jubbaland inay raali ay ka yihiin Derbiga Kenya ayna yihiin Gaalo-raacyo, balse damacooda aanu hirgeli doonin, wuxuuna sheegay in Al-shabaab ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan ololaha ay wadaan shacabka Baled Xaawo, ayna jawaab ka bixin doonaan.
“Dowladda Kenya ma ahan markii ugu horeysay oo ay qabsato dhul Soomaaliyeed oo dad muslimiin ahna ay gumeysato, waxay ku soo duushay qeybo badan oo ka mid ah dhul Soomaaliyeed, waxaan u aragnaa dulmi iyo duullaan cad,Mujaahidiintu waxay diyaar u yihiin inay garab iyo gaashaan u noqdaan shacabka Beled Xaawo.” Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.