Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) ayaa farriin cod ah oo uu soo saaray uga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladd Federaalka iyo dagaaladii ka dhacay magaalooyinka Guriceel iyo Boosaaso.
Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay dagaalka Gaallada kusoo qaaday Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed oo ay ku kala qeybiyeen federaal, ayna dadaal ugu jiraan fasahaadka dadka Soomaalida.
Wuxuu ku dooday in dagaalka Alshabaab uu keenay in ciidamadii AMISOM ay gaareen xaalad ay ciidamadoodu ku urureen xeryo iyo godad iyagoo aan sahayda aan is gaarsiin karin, oo gaarigii iyo kolonyadii dhaqaaqdaba wadooyinka lagu beegsanayo, dantuna ku kalliftay iney diyaarado isticmaalaan, sida uu yiri.
Afhayeenka Alshabaab ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka, wuxuuna yiri: “Maamulka -Dowladda Federaalka- ee ay gaaladu qeybo dalka ka dhiseen ayaa maanta maraya xaalad mar kale daaha ka rogtay xaqiiqadooda dhabta ah, waxay Soomaali oo dhan maanta indhaheeda ku arkeysaa, sida ay isugu direen madaxda Madaxtooyada fadhisa, habdhaqankaasi wuxuu daaha ka feyday xumaanta uu leeyahay nidaamkooda ku dhisan dimuqraadiyadda iyo liidnaanta shuruuc Gaaleedka ay ku dhaqmaan”
Wuxuu ka hadlay dagaalkii ka dhacay Bishii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso oo uu sheegay inay ku dagalameen maleeshiyaadka maamulka isku magcaaabay Puntland iyo kuwa Mareykanku carbistay, taasoo ,muuhisay inay yihiin iidamo qowleysato ah oo shisheeya u diiwaan gashan.
Sidoo kale soo qaataty dagaalkii magaalad Guriceel ka dhacay, isagoo tusaale ugu soo qaatay nidaamka federaalka ee gaalada ay dalka ka hirgelisay.
“Waa kuwaas maamullada ay Gaaladu ku tilmaameysay inay horumar idin gaarsiinayaan, waa kuwaas in safiirada Xalane fashiya ay u kala horaan sida xoolaha.. waa niman aan u damqaneynin diin, dal iyo dad” ayuu yiri Afhayeenka Alshabaab.
