Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa jawaab culus ka bixiyey dagaalka ka dhanka ah ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya, isagoo u hanjabay beelaha kacdoonka ka wada gobollada qaarkood.
Cali Dheere ayaa sheegay in markii la doortay Xsan Sheekh tallaabada uu qaaday ay ahayd inuu soo dhoweeyo Mareykanka oo ku dhawaqo dagaal, balse wuxuu yiri; “Xasan Sheekh iyo waxa la socda waxaan leenahay: Dhaarta aad dhaaratay ayaa noo Dhaar ah, dhaar kale ma jirto. Qoladii soo harta ayaa la arki doonaa..”.
Sidoo kale wuxuu beelaha Soomaaliyeed ugu digay inay qeyb ka noqdaan dagaalka ay Gaaladu wado, sida uu yiri, isagoo ugu hanjabay in ay beegsan doonaan Beel kasto oo safka dagaalka soo gasha.
Wuxuu kaloo hanjabaad u diray Qurbo-joogta, Ganacstada iyo Siyaasiyiinta qeybta ka qaadanaya dagaallada lagu kicinayo beelaha ee looga horjeedo Alshabaab, isagoo sheegay in dadkaasi ay gacanta Alshabaab gaari doonto.
Dadka shacabka ah ayuu sidoo kale uu baaqay inay ka foggaadaan xarumaha dowladda Federaalka, ciidamada, Hoteelada iyo goobaha beesha caalaamka oo u ah bartilmaameed ay weerari doonaan.
