Kooxda Alshabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay weerarkii maleeshiyo ka tirsan ku qaadeen degaanada Puntland iyo Galmudug kadib muddo bil ah oo ay ka aamusneyd gulufkii ugu weynaa oo ay maleeshiyo ku daabusho dhinaca badda iskuna daydo inay weerar ku gasho degaano aanay joogitaan rasmi ah ku lahayn.
Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa soo diyaariyay muxaarado Nus saac soconeysa oo hordhac dheer looga dhigay in dagaalku guul iyo guuldarro leeyahay, isagoo aad moodo inuu u qiil sameynayo jabkii ka soo gaaray dagaalkii Puntland.
Wuxuu qiray in Alshabaab ay 5-dii Jamaadul Awal 1437 ay weerar ay ku qaadeen Gobollada Waqooyo Bari ee Puntland oo uu ku tilmaamay ASHAHAADO LA DIRIR inuu hadafkiisu ahaa in sharciga islaamka la gaarsiiyo degaankaasi.
“Mujaahidiinta Xarakat Alshabaabul Mujaahidiin waxay shantii Jamaadul Awal, 1437 dagaallo xoogan gobolada waqooy-bari kula galeen maamulka Ashahaada la dirirka ee xoogga ku heysta goboladaas. Hadafka duulaankaas wuxuu ahaa sidii sharciga Allah loo gaarsiin lahaa, looguna maamuli lahaa deegaanadaas, loogana dul qaadi lahaa maamulka dhaaguudka ee ka arimiya deegaanadaas. Dagaaladaas waxay mujaahidiintu ku bixiyeen naf iyo maal intaba iyagoo Allaah talo saartay, maciyadiisna magan galaya, qadartiisana raali ku ah. waxaan geesiyada howshaas fuliyey ku leenahay Allaha idinka abaalmariyo dadaalkaas aad u gasheen Islaamka iyo ehelkiisa. Allaah waxaan weydiisaneynaa in uu shuhadadiina aqbalo, dhaawaciina caafiyo, asradiinana soo bad-baadiyo” ayuu yiri Cali Dheere.
Shaykh Cali Dheere ayaa sheegay in dagaaladaas ay banaanka soo dhigeen dabadhilifnimada maamulka Ashahaada la dirirka kaas oo markii uu awoodiisa u bac-bac dhigi waayey mujaahidiinta u qeylo dhaansaday isbaheysiga gaalada NATO iyodowladda xabashida Itoobiya.
DHAGEYSO SHEEKH CALI DHEERE
Wadani.com