Afhayeenka Alshabaab ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarkii is-miidaaminta ah ee ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.
C/casiis Abuu Muscab oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weerarku u dhacay sida loo qorsheeyay, isla markaana ujeedku ahaa in lagu dilo Ra’iisal wasaaraha, balse lagu laayey saraakiil sare markii is-miidaamiyaha uu beegsaday goob ay ku urursanaayeen Saraakiishan.
“Yoolka weerarka ama halka lala beegsanayo wuxuu ahaa in lagu dilo Ra’iisal wasaaraha..” ayuu yiri Afhayeenka alshabaab oo ku dooday inuu guuleystay qaraxaasi is-miidaaminta ahaa.
Wuxuu sheegay qaraxa lagu dilay 14 qof oo shan sarkaal ka mid yihiin, wuxuuna intaas ku daray in saraakiisha la dilay ay dhibaato ku hayeen daka muslimiinta ah, ayna la shaqeynayeen Mareykanka.
