Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay socdaalkii uu madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ku tegay degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in dhulka uu yimid Madaxweynaha Kenyatta uu yahay dhulka ay Soomaaliya ka qabsadeen oo muujineysa inaysan dowlad ka jirin dalka.
“Wax dowlad ah dalka kama jiraan dalka waxaa jooga calooshood u shaqeystayaal doqomo ah, Uhuru Kenyatta waa Nin booqanaya dhul ciidamadiisu qabsadeen mana ogeysiin qolada dowladda sheegaya iyaga ayaa u baahan inay ogolaansoha ka heleen Kenya…” ayuu yiri Sheekh Cali dheere.
DHAGEYSO
GOOBJOOGE.COM