Afhayeenka Ciidamada Booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay Dil naxdin oo xalay lagu dilay laba carruur Walaallo ahaa.
Falkan oo ka dhacay degaanka Garasbaalley ee Muqdisho ayaa lagu dilay wiil 7 sano jir ah iyo gabar 5 jir ah oo walaallo ahaa, wuxuuna afhayeenka Booliska sheegay in fal naxdin leh oo aan weli hore u dhicin lagu dilay caruurtaasi.
“Caruurta waa la ceejiyay, kadibna afka aya ciid looga shubay si aysan u neefsan. Waa dhacdo aan weligeed la arag oo naxdin iyo xanuun leh..” ayuu yiri Afhayeenka Booliska oo sheegay in kiiskan loo soo xiray ilmaha adeerkood oo hooyada qabay, hooyada iyo dad kale oo baaritaanku socdo.
Tuhunka dilka labada caruur ayu usheegay in lagu tuhmayo qoyska dhexdiisa, sidaadisa loo soo xiray dad badan oo la doonayo in kiiska ay xog ka bixiyaan.
