Afhayeenka madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mahadcelin u jeediyay dowladda Qatar iyo madaxweynihii hore, isagoo xusay kaalintii ay ku lahaayeen dayactirka xaruntii Xisbiga ee Golaha Wasiirada ku shaqeyn doonaan.
Farriin luqadda Carabiga lagu qoray oo uu baraha bulshada soo dhigay afhayeenka madaxweynhii hore ayuu ku yiri: “Dib u dhiska iyo dib u dayactirka xarunta Golaha Wasiirada kadib 30 sano burburkii dowladdai Soomaaliya waxay caddeyn u tahay waxtarka aragtida Madaxweyne Farmaajo ee Xoojinta dawladnimada iyo dib u dhiska hay’adaha dalka, waxayna muujineysaa guusha laga gaaray iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar. Waxaan uga mahadcelineynaa madaxda iyo shacabka Dowladda Qatar sida ay uga qeyb qaadanayaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka”.
Farriintan ayaa lagu soo beegay xilli uu Ra’iisal wasaaraha cusub Xamza Cabdi Barre shalay booqday xaruntii hore ee Xisbiga, haddana la sheegay inay noqon doono xarunta Golaha Wasiirada, waxaana hore u dhagax dhigay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.
Kooxda Farmaajo ayaa weli isku dayeysa inay dhacdo kasta u raadiyaan mahadcelin iyo sheegashada inay ka mid ahayd waxqabadkii madaxweynihii hore, iyadoo safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya uu ka dhe muuqday kormeerkii uu Ra’iisal wasaaraha cusub ku tegay xaruntaasi.


