Afhayeenka Guud ee Alshabaab ee Sheekh Cali Dheere ayaa ku baaqay in la dilo guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland C/ladiif Muuse Nuur (Sanyare), isagoo ku eedeeyay inuu caddow ku yahay diinta islaamka.
Sida ay baahiyeen Warbaahinta Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa khudbad uu ka jeediyey xaflad ka dhacday degmada Ceelbuur ku sheegay in Guddoomiyaha gobolka Mudug uu ku dhacay gaalnimo sida uu yiri, isla markaana ay waajib tahay in la dilo.
“Reer Gaalkacyo ninkaas isaga ah Waajib ayaa idinka saaran inaad madaxda ka goysaan.. yaanay qaraabnino idin qaadin.. Caddowga illaahey waaye, hala qabto inta aanay musiibo caam ah idinku dhicin.. Reer Gaalkacyow Ninka dila…” ayuu yiri Afhayeenka Alshabaab.
Alshabaab ayaa banneysatay dilka madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada, waxayna hore qarax ugu dileem guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug, Puntland oo ahaa nin la dhashay Guddoomiyaha xilligan ee Alshabaab ku baaqday in la dilo.
C/ladiif Sanyare ayaa sheegay inuu ka towbad keenay hadallo kasoo yeeray oo ku saabsanaa Masaajidda Gaalkacyo oo ay ka hadleen culimada Soomaalida qaarkeed.
