Madaxtooyada dowlad Goboleedka Puntland ayaa jawaab kulul u dirtay Wasiirka Qorsheynta xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo maanta qoraal ku weerarray Madaxweynaha Puntland.
Afhayeenka Madaxweynaha Puntalnd Jaamac Dabaraani ayaa nasiib darro ku tilmaamay in wasiir Jamaal uu sawir xun ka bixiyo Puntland iyo dadkeeda, wuxuuna sheegay in Doorashooyinka Puntland lagu kala adkaado hal cod.
“Puntland waa dowlad jirta 23-sano, horey waxaa uga dhacay doorashooyin heer Puntland iyo heer Federaal ah, oo qeybtood hal cod lagu kala adkaaday. 23 sano biseyl iyo qaangaarnimo ka muuqato Puntland, waa nasiib-daro inaad isku daydo inaad sawir xun ka bixiso Puntland iyo dadkeeda, Taariikhda ayaa is qoreysa” – ayuu qoraalkiisa jawaabta ahaa ku yiri Af-hayeenka Madaxwyenaha Puntland, Jaamac Dabaraani.
Wasiirka Qorsheynta xukuumadda xilgaarsiinta, kana mida saaxiibada Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyey inuu yahay musharrax is qarinaya oo farageli ku haya doorashada iyo guddiyada Doorashada Puntland, taasina aan la aqbali karin.
