Afhayeenka Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya Axmed Maxamuud (Carab) ayaa sheegay in qarixii Alshabaab la beegsatay aanu qasaare badan geysan.
“Qasaare badan ma dhicin, shan qof ayaa dhimatay, toddoba qofka waa dhaawacantay…, ciidamada u taagan ammaanka ayaa fashiliyay..” ayuu yiri afhayeenka amniga oo u muuqday inuu qarinayo qasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday Saldhigga Waaberi, xilli Gaadiidka Gurmadka degdega ah ay sheegeen inay qaadeen 7 meyd ah.
Afhayeen Carab ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin khasaare Ciidamada ka soo gaaray Qaraxaasi.
DHAGEYSO