Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa sheegaya in xaaladda ay caksan tahay kadib baaq uu soo saaray xisbiga oo ku saabsan bannaanbax ka dhacaya Berri xarunta xisbiga ee magaalada Haregysa.
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la wareegay Xaruntii Dhexe ee Xisbiga Waddani, iyadoo la xiray Afhayeenkii Guud ee Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun iyo xoghayihii xisbigaasi Khadar Cabdi, waxaana weli dadka ugu baaqaya inay isu soo baxaan Hoggaamiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro.
Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi ( Dabo-gale), ayaa ka hadlay saxaafadda, wuxuuna shaaciyey inaan la qaban karin wax banaanbax ah oo uu sharci darro, kana digayaan bannanbaxaasi, wixii ka yimaadana uu qaadi doono xisbiga Waddani.
Hoggaamiyaha Wadani C/raxmaan Cirro ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inay caadeysteen in Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisuba gacansaar la leeyihiin Soomaaliweyn, taasina loola jeedo beel gaara oo lagu faquuqayo.
Xiisada ka dhex aloosan xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi iyo Xisbiga Mucaaradka Waddani ayaa dhalatay kadib markii Muuse Biixi ku eedeeyay Xisbiga Waddani iyo dhismaha Guddiga Doorashooyinka oo la isku mari la’ yahay.