Koox hubeysan ayaa maanta weerar qorsheysan ku khaarijiyay afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb.
Dilka ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan Agagaarka isbitaal Digfeer, waxaana rasaas xoog leh ay ku fureen gaari yar oo u watay Maxamed Cumar Hagafeey oo ahaa afhayeenka maamulkii Ximan iyo Xeeb.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay ku lebisnaayeen dharka Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyadoo saarnaa gaari Prado ah, kooxda dilkan geysatay ayaa la sheegay inay tahay isla kooxdii maanta weerartay gaari kale oo uu la socday sarkaal ka tirsan NISA Xasan Dheere.
Hay’adaha ammaanka ee dowladda iyo kuwa Gobolka Banaadir ayaa wax war ah weli ka soo saarin falalka dilalka qorsheysan iyo weerarada ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wadani.com