Afhayeenkii Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka tegay shaqadii Afhayeennimo Madaxtooyada Soomaaliya.
Daa’uud Aweys ayaa ku biiray xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, oo uu ka noqonayo la-taliye sare oo dhinac siyaasadda ah.
Shaqo ka tegista Daa’uud Aweys oo ahaa ninka kala wada arrimaha saxaafadda madaxtooyada iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo beegantay iyadoo olole doorasho oo culus uu wajahayo Xasan Sheekh.
Daa’ud Aweys oo hore u ahaa weriye ka tirsan BBC-da Laamaha Afsoomaaliya iyo Sawaaxiliga ahaa shaqsi degan oo shaqo badan.
Congratulations to my former colleague at the BBC and at Villa #Somalia Daud Aweis for his new job as a Senior Political Adviser to #UNSOM. pic.twitter.com/B1ZeKZRCI5
— Yusuf Garaad (@ygaraad) October 10, 2016
Wadani.com