Waxaa magaalada Muqdisho caawa lagu qabtay xaflad lagu shaaciyey musharaxnimada xildhibaan ka trisan Golaha Shacabka.
Xafladda waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin, wasiiro, xildhibaanno iyo qeybaha bulshada, waxaana la shaaciyey in Maxamed Ibraahim Macalimuu uu yahay musharax u tagaan xilka kursi ka mida Golaha Shacabka.
Macalimuu ayaa sheegay inuu xilka xildhibaannimo ee Golaha shacabka u soo istaagay si uu wax ugu qabto dadka uu kasoo jeedo ee Hirshabeelle, isla markaan uu afhayeen ugu noqdo dhibaatooyinka ay wajahayaan ee fatahaaddu ka mid tahay.
Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa intii aan loo magcaabin Afhayeenka xukuumadda Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuu hoggaamin jiray urur u dooda xuquuqda saxafiyiinta, wuxuuna hore u soo noqday weriye, isagoo usoo shaqeeyay idaacadii HornAfrik iyo Laanta Afsoomaaliya ee BBC-da.
