Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaam u magacaabay agaasimaha madaxtooyada ee Arrimaha Naafada C/raxmaan Faarax oo ku loo yaqaan (C/raxmaan Luunge), waxayna arintani timid kadib markii agaasin cusub oo qaabilsan arrimaha naafadda lagu soo kordhiyey xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Agaasimaha cusub C/raxmaan Luunge ayaa ah nin aqoonyahan ah isla markaana ah naafo indhoole ah ayaa ah shaqsi karti badan, wuxuuna tan 15-kii sano ee ugu dambeysay ka shaqeynayey howlaha adeega bulshada, isagoo markii ugu horeysay sanadkii 2005 dalka Soomaaliya ka hirgaliyey dugsigii ugu horeeyey ee ay dadka indhoolayaasha ah wax ku bartaan, kaas oo ilaa maanta shaqeeya laguna magacaabo Al Nuur.
C/Raxmaan Faarax Luunge oo ah aqoonyahay wax ku bartay dalalka Ingiriiska iyo Baxreyn ayaa waxa uu bartey sida dadka indhoolayaasha ah wax loo baro, isagoo sidoo kalena jaamacad ku taal magaalada London ku bartey culuumta siyaasadda.
Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya u qaabilsan arimaha naafada C/raxmaan Faarax (C/raxmaan Luunge) ayaa isaga iyo kooxo ka tirsan naafadu waxa ay sanadihii ugu dambeeyey wadeen olole balaaran oo ay doonayaan in codkooda ku gaarsiiyaan hogaanka dowladda si wax looga badalo duruufta ay ku nooshahey bulshada naafadda ee dalku, isla markaasna loogu sameyn lahaa horumarin dhinacyo badan, kaas oo gayeeysiin kara in ay qayb muhiim ah ka noqdaan xoogaga wax soosaar ee dalka.