Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsuggidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa magacaabay xilalkii ugu horeeyay ee Hay’adda, kadib markii uu xilka la wareegay shalay 29 May 2022.
Mahad Salaad ayaa Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor oo ah sarkaal muddo dheer ka tirsanaa hay’adda lehna Khibrad dheer oo dhinaca amniga ah.
Magacaabiddan ayaa bilow u ah isbedel weyn oo lagu sameyn doono Hay’adda NISA, taasoo shantii sano ee dowladii Farmaajo lagu eedeeyay inay ku milantay siyaasadda, lana shaqeyn jirtay Alshabaab.
Agaasimaha cusub ayaa waxaa hore xilkan ugu magacaabay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasoo shaqeyn weyday xilligaasi oo khilaaf uu ka dhex taagnaa Rooble iyo Farmaajo.