Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Agaasimaha Madaxtooyada: “Haddii in ka badan 70 maalintii Muqdisho ku dhintaan ayaa Corona la dhihi karaa”

    Agaasimaha Madaxtooyada: “Haddii in ka badan 70 maalintii Muqdisho ku dhintaan ayaa Corona la dhihi karaa”

    April 22, 2020Updated:April 22, 20202 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Fuursade ayaa sheegay in tirada geerida magaalada Muqdisho ay caadiyaan maalintii noqon karto 70 marxuum, haddii aanay xaalad kale jirin.

    Warbixin uu la wadaaday Guddiga Dowladda Soomaaliya u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus shirkoodii habeen hore ayuu ka sheegay inay xaaladda caadi tahay haddii geerida Muqdisho ee maalintii ay tahay ilaa 70 qof, isagoo soo xigtay qiyaasta geerida dalalka dunida ee mareegta indexmundi oo ah websita ururiya tirakoobka dalalka dunida.

    Agaasimaha ayaa ku dooday in Soomaaliya halkii milyan ee qof ay sanadkii ka dhintaan 12,800 qof (Kunkii qofka 12.8) sida Indexmundi laga soo xigtay, laakiin Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Filish ayaa Guddiga u sheegay in tirakoobka ay sameeyeen ay ku ogaadeen in maalintii Muqdisho ay xilligan ku dhintaan ilaa 50 qof, taasoo lagu tilmaamay tirakoob u baahan in dib loogu laabto.

    Ma jirto tirakoob sax ah oo Dowladda Hoose ee Muqdisho ay heyso, iyadoo aan hadda qaban howshii aaska dadka oo ahaan jirtay qeyb hoos tagta, waxaana Qabuuraha gacanta ku heyn jirtay waaxda Dad-dhigista ee G/Banaadir, taasoo keentay in tirakoob iyo qiyaasyo caalami ah lasoo xigto, laguna saleeyo xaaladda dhabta ah ee dalka.

    Haddii si fiican loo sii macneeyo dooda Agaasime fursade ayaa ah in Tuulo yar oo ay ku nool yihiin 1000 qof ay caadi tahay in maalin kasta ay ka dhimato 13 qof, wixii tiradaas ka badan oo kaliya la oran karo inaysan xaaladdu caadi ahayn, taasoo ah arrin aad looga doodi karo ama la heli karo tuulooyin tirakoob sax ah laga qaadan karo oo dalka ku yaalla xilligan.

    Isla daraasadda Indexmundi ayaa muujineysa in dalka ugu dhimashada yar dunida uu yahay dalka Qatar oo kunkii qof ay ka dhintaan (1.6)

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA AGAASIMAHA

    Dr. Nuur Diiriye Fuursade Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiir Goodax: “Tallaabada Puntland qaaday waxaa ka dhalan kara cunaqabateyn goboladu isku soo rogaan..”
    Next Article Alshabaab oo shaacisay inay Hub & Dokumenti ka qaadatay Sarkaal ay ku dishay Muqdisho & Taliska Booliska…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo