Ciidamo cusub oo muddo 7 bilood ka badan loo tababarray ciidamada NISA ayaa la kala diray, kadib markii loo sheegay inaan loo baahneyn sida uu amar ku bixiyey Agaasimaha NISA, sidaana waxaa u sheegay saraakiishii gacanta ku haysey ciidamadan.
Ciidamadan ayaa ku jiray xerada Nuur Shirbow ee u dhow Xarunta Dhexe ee NISA, waxayna ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 71 ay shalay bannaanbax ka sameeyaan agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay ciidamada ilaalada ka hor istaageen inay u dhowaadaan ama ay arkaan mas’uuliyiinta dowladda.
Qaar ka mida ciidamadan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay markii ay muddo ka badan 7 bilood tababar ku jireen oo ay filayeen in la siiyo hub lana howlgeliyo, waxayna arrintaasi ku eedeeyeen Agaasimaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo saraakiisha ka hooseysa.
HOOS KA DHAGEYSO CIIDAMADA CABANAYA