Agaasimaha cusub ee waraafinta Madaxtooyada ayaa ku dhex dhacay farsamo xumo keentay in lagu eedeeyo qaabka uu u maamulo bogagga rasmiga ah ee Villa Somalia iyo Madaxweynaha.
Agaasimaha C/nuur Maxamed Axmed oo gacanta ku haya maamulka iyo qoraalka baraha twitter-ka ee Villa Somalia iyo M_Farmaajo ayaa ku soo faafiya tacsi loo dirayo qaraxyada dunida ka dhaca, sida kuwii ugu danbneeyay ee France, Raashiya, Sweden iyo Masar.
Qoraaladda tacsida ah ayaa ku soo beegmay iyadoo magaalada Muqdisho qaraxyo lagu laayay dad fara badan oo shacab ah, waxaana baraha madaxtooyada ay gebi ahaan ka gaabsadeen inay ka hadlaan qaraxyada Muqdisho.
Dad badan ayaa la yaabay tacsidii ugu danbeysay ee Villa Somalia u dirtay Masar oo dadkii ku dhintay laba Kaniisad oo la weeraray ku tilmaantay SHAHIIDIIN, iyadoo aan waxba ka soo qaadin dadka Soomaalida ah oo hilbahooda la kala garan waayay.
Tacsida heer caalami ee madaxd dunida isu dirto waa mid muujineysa bani’aadamnimo iyo in lala murugoodo dalalka aad saaxiibada tihiin, waxaase ka horeysa in dadkaada aad marka hore u muujiso murugo iyo naxariis.
La arki doonee waxa iska bedela baraha bulshada ee madaxtooyada oo dad badan ay eedeyn u jeediyeen wararka lagu qoro iyo wadaniyad la’aanta ka muuqata.
HOOS KA AKHRI SIDA LOO EEDEEYAY MAAMULAHA BOGAGGA MADAXWEYNAHA
Wadani.com