Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga oo diiday xil ka qaadis lagu sameeyay, Jawaab kululna udiray Wasiir Maareeye [Akhriso]

    Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga oo diiday xil ka qaadis lagu sameeyay, Jawaab kululna udiray Wasiir Maareeye [Akhriso]

    February 13, 2018Updated:February 13, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Agaasimaha guud ee wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa ku gacan seyray wareegto xilka looga qaaday oo kasoo baxday wasiirka wasaaradaasi iyo eedeyn musuq ah oo loo jeediyay.

    Qoraal jawaab celin ah oo uu soo saaray maanta agaasimaha guud ayuu ku sheegay in wasiirka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) aanu awood sharci ah u laheyn inuu xilka ka qaado, wuxuuna intaas ku daray in markii hore xilka loogu magacaabay Wareegto Madaxweyne oo ay ansixiyeen golaha Wasiirada, haddii xilka laga qaadayana ay tahay in wadadaas loo maro.

    Agaasimaha ayaa sheegay in shaqo joojin uun uu sameyn karay Wasiir Maareeye, wuxuuna qoraalkiisa oo loo kala diray xafiisyo kala duwan oo ay ku jiraan kan madxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha uu si weyn ugu beeniyay oo uu been abuur ku tilmaamay eedaha wasiir Maareeye u jeediyay.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA AGAASIMAHA

    Tixraac warqadda summadeedu tahay summad wgw/ xw 14/,2018

    Kuna tariikheysan 10.2.2018 kana soobaxday xafiiska wasiirka ganacsiga iyo warashada nuxurkeeduna ahaa shaqa ka joojin iyo xilkaqadis

    Mudane wasiir waan aqbalay shaqo ka joojinta aad ii soo jeedisay waana awoodaha wasiirka

    Dhan kakale xilkaqadista agaasimaha guud ee aad ii soo gudbisay ka ma mid aha awoodaha Wasiir

    Waxaan ahay agaasimaha guud oo heysta ansixinta golaha wasiiirada ee ku tariiqeysan 11.02.2018

    Islamarkaana helay digreeto madaxweyne oo ku tariqeysan 08/07/2018 sidaa darteed waxaa xilka sirasmi ah igaga qaadi kara madaxda sare ee dowlada Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha

    Sida kucad dastuurka dalka markuu dhammaado habraaca xilka qaadista si sharci ah waxaana diyaar in xilka aan k uwareejiyo sifa sharci ah inta ka horeysana waxaan ahay agaasimah guud ee wasarada

    Mudane wasiir anigoo xushmad kuu haya waxaad hareer martay sharciga shaqaalaha rayidka ee qaranka (sharciga no. 11) qodabadiisa 45aad iyo 46aad sidookale waxaad tixgelin weyday dastuur kumeelgaarka ah qodobka 115aad iyo 116aad oo ka hadlaya wajibaadka iyo ilaalinta xaquuqda shaqaalaha rayidka ee dowlada

    Mudane Wasiir waxaan kula socodsiinaya waxaan lasoo shaqeeyay 10 wasiir wasiiru dowle iyo wasiir kuxigeen oo kaa horeeyay oo ilaa hadda qaar shaqeynaya mana aanan sheegin waxyaabaha aad ku sheegtay warqadada ee eedeymaha, waana markii ugu horeysay muddo 9 sano oo aan ka shaqeynaayay oo khilafkedu bannaanka usoo baxo adigoo nala shaqeynaya bil iyo laba maalin

    Waxqabadkii ugu muhiimsana waxaa kamid ahaa dhismaha wasdaradda maanta aan ku shaqeyneeno inaga iyo wasaradaha kale iyo sameynta sharciyadda lagu shaqeeyo hada

    Mudane wasiir waxaad ii soo jeedisay eedeymo dhamaantood aanay waxba kajirin madaama ay jirto sameynta shardciga waxaa lagaaga fadhiyaa caddeymo ku qotomo (hanti dhowr iyo garsoor)

    Sida marar badan soo laablaabatay oo ah awood sheegashada agaasimayaasha ay ku sameeyen wasiiraddoodu waxaan kacodsanayaa madaxweyna iyo ra iisulwasaraha in ay arintaan soo fara geliyaan si ay xal ugu noqoto khilaafad danbe dowlada madxweyna farmaajo iyo xukumada ra iisul wasaare kheyre ee nabad iyo nolol waxay ku baqeen hirgilint sareynta sharciga

    Dhammaan hay’adaha ay warqadan ku socoto iyo kuwa ay ogeysiinta ku tahayba waxaan ka codsanayaa in ay arintan sida ugu dhaqsiyaha badan u soo farageliyaan madaama aan ahay masuul dowladeed oo sharaftiisa dastuuriga meel looga dhacay iyadoo loo adegsanaya awood dowladed oo xil ah

    Maareeye Top Wasaaradda Ganacsiga Wasiir Maareeye Xayir Ducaale
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShariif Xasan oo heshiis la saxiixday Shirka Shiinees ah oo dib u dhiseysa Dekadaha Marko & Baraawe
    Next Article Xildhibaan Caan ah oo sharci darro ku tilaamamay Go’aanadii kasoo baxay Golaha Amniga Qaran

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo