Wasiirka Caafimaadka xukuumadda xilgaarsiinta e federaalka ayaa shaacisay inay agaasime cusub u magacawday Maamulka iyo maaliyadda Wasaaradda.
Agaasimaha Maaliyadda iyo maamulka Wasaaradda ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Salaad Xuseen Agaasimaha oo la sheegay inuu kusoo baxay tartan loo galay xilkaasi oo muddo ahaa jago bannaan.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan u magacaabo Mudane Cabdullaahi Salaad Xuseen Agaasimaha Maaliyadda & Maamulka ee Wasaaradda Caafimaadka. Magacaabistiisa waxay ku timid hab cadaalad ah oo loo tartamay” ayey tiri Wasiir Fowsiya Abiikar.
Waxay intaas ku daray inuu yahay xisaabiye heysta shahaadooyinka ACCA, CIPFA, iyo CIA. Xilkan waxaa banneeyay agaasime hore oo lagu soo eedeeyay musuq, maxkamadna ay xukuntay.
