Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Agaasime ka tirsan Madaxtooyada oo qarxiyay tacadi lagu sameeyay [Qiso ka dhacay Masjidka Madaxtooyada]

    Agaasime ka tirsan Madaxtooyada oo qarxiyay tacadi lagu sameeyay [Qiso ka dhacay Masjidka Madaxtooyada]

    August 25, 2017Updated:August 25, 20172 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mas’uul ka tirsanaa Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta si lama filaan ah casbasho ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada Soomaaliya, salaadii Jimcaha kadib.

    Arrintan oo dadkii masjidka ku jiray oo u badnaa siyaasiyiin, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin la yaab ku noqotay ayaa Agaasimaha howlaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya C/raxiim Ibraahim Muudey ku soo bandigay tacadi iyo sharci darro lagu kala kacay, isagoo sheegtay in dulmi weyn lagula kacay.

    Wuxuu ku cawday qaab sharci darro ah loola dhaqmay isagoo shaqadiisa wata, loo diiday inuu xafiiskiisa iyo madaxtooyada soo galo, isla markaana la handaday kadib markii si qasab xafiiskiisa looga saaray, iyadoo warqad ah in aanu soo geli karin laga dhigay Madaxtooyada, xilkana laga qaaday, wuxuuna arrintiisa  gaarsiiyay mas’uuliyiin badan oo ka qaban waayay.

    Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugnaa Masjidka ayaa hadalka ka dhex galay agaasimaha, isagoo ku canaantay inaan arrimaha noocaasi ah looga hadlin Masaajidda, laakiin waxaa agaasimaha dulman u hiiliyay xildhibaano masjidka ku sugnaa oo isla goobta ka sheegay in wixii dulmi ah ee ka jira Villa Somalia meel kasta lagu sheegi karo.

    Dhacdadaas kadib ayaa la sheegay in taliyaha NISA uu amray in la xiro agaasime C/raxiim Ibraahim Muudey, iyadoo taliyaha ciidamada Madaxtooyada uu xabsiga u taxaabay, wuxuuna saacado ku jiray xabsiga Madaxtooyada intii aanu xaaladiisa soo faragelin Wasiirka Amniga, iyadoo xabsiga laga sii daayay galabta.

    Arrintan ayaa ka mida kiisas hareeyay Villa Somalia oo ku saabsan tallaabooyin xilalka looga qaadayo dadkii hore uga howgeli jiray madaxtooyada oo qaarkood loo marayo dariiq khaldan, iyagoo qaarkoodna lagu kacay tacadiyo ay jirdil iyo handadaad ka mid yihiin.

    Guddoomiye ku xigeenka Madaxtooyada haweeneyda lagu magacaabo Aamina Saciid ayaa ku saxiixan qoraal la sheegay  inuu soo diyaariyay agaasimaha guud Fahad Yaasiin oo shaqada looga ereyay Agaasimaha howlaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya C/raxiim Ibraahim Muudey.

    Arrinta agaasime Muudey oo muddo soo socotay ayaa gaartay masjidka Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo cabashadii uu halkaasi ka sheegayna ku mutay in xiro, taasoo caddeyn kale u ah waxa ka socda dhowaanahan Villada looga taliyo dalka Soomaaliya.

    Wadani

    Aamina Saciid C/raxiim Ibraahim Muudey Fahad Yaasiin Madaxtooyada Top Villa Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSheekh Nuur Baaruud imisa jago ayuu ka hayaa dowladda Federaalka Soomaaliya..?
    Next Article DHAGEYSO: Odayaasha dadkii lagu laayay Weerrarkii Bariire oo go’aamiyay inaan la Aasin Meydadka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo